Loading...

AKHRISO: Dooddii Xildhibaannada oo meel fog gaartay iyo xubno sheegay iney…?

Waxaa hadda xarunta golaha shacabka ka socda dood ku aadan dhiibista xukuumadda ra’isul wasaare Cali Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax.
 
Xukuumadda Kheyre ayaa ugu horeyn keentay golaha shacabka illaa 15 hindise sharciyeed, laakin xildhibaannada ayaa isu diwaangeliyay in ay ka doodaan arrinta dhiibista Cabdikarim Qalbi-dhagax.
 
Halkan Ka Akhriso: Doodda Ka Socota Gudaha Golaha Shacabka:
 
Xildhibaan Mahad Salad: oo golaha shacbka u sheegay in heshiisyada ay xukuumadda Kheyre Ku mar-marsiyooneyso ay yihiin sharci- darro aan lagu gelin magaca dowladda Soomaaliya.
 
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: oo soo jeediyay in xukuumadda Kheyre la aamino, arrinta Qalbi-dhagaxna lagu wareejiyo guddiga Amniga ee golaha.
 
Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur: oo dalbaday in la keeno sharciga mujrim ama dambiile looga dhigay Qalbi-dhagax
 
Xildhibaan Khadiijo Diiriye: Heshiisyadii horay loo galay xukuumadda waxaa ay ku sameyneysaa dib-u-eegis, Golaha shacabkana xaq ayuu u leeyahay in uu sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyo.
 
Xildhibaan Maryan Carif: oo sheegtay in dowladda ay mas’uul ka tahay Amniga iyo siyaasadda dalka iyada oo intaasi raacisay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen balse aan dowladda loo dumin Karin
 
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan: oo xildhibaanada weydiiyay sidee arrinta qalbi-dhagax looga doodi karaa iyada oo aan laheyn nuqulka heshiisyadii la galay
 
Ibrahim Yarow: oo sheegaya in ay tahay in Amniga iyo siyaasadda dalka looga dambeeyo xukuumadda, shacabkana aaney arrintaasi qalad ka fahmin
 
Xildhibaan Cabdiqadir Baqdadi: oo xukuumadda Ku dhaliilay arrinta Qalbi-dhagax isaga oo intaa raaciyay in qadiyadda meesha ay ka istaagtay xukuumadda ay qalad aheyd.
Goordhow lasoco Muuqaalo Xasaasi ah
Garqaad.com Mogadishu – Soomaaliya
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...