Loading...

Arsenal oo dalab rasmi ah Real Madrid u gudbisay waxayna ka dooneysaa xidig caan ah

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in dalab dhanka kooxda Arsenal kasoo gaaray kuna dooneyso Karim Benzema.

Benzema tan iyo sanadii 2009 ayuu garoonka Bernabue ku sugan yahay balse xidigaan cadaadis xoogan ayaa saaran madaama dhalintiisii joogtada ahayd yaraatay.

Shabakada Dan Ballon ayaa qortay in Real Madrid ay xaqiijisay dalab Benzema ku aadan dhanka Arsenal kasoo gaaray sidoo kale xidigaan Gunners-ka waxay doonayan inay bisha Janaayo gacanta kusoo dhigaan.

Arsenal diyaar waxay u tahay inay bisha Janaayo lacago ku faraqdo suuqa madaama Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil diidan yihiin inay heshiis cusub qalinka ku duugaan.

Lama ogo sida Arsenal u bixin karto lacagaha €1billion ee qandaraaska Benzema dhawaan saxiixay lagu jebin karo marka bisha Janaayo!

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...