Loading...

Arsenal Oo Gaartay Qiimihii Lagu Doonayay Thomas Lemar, Laakiin Waxaa Caqabad Ku Ah Saddex Koox

Arsenal ayaa ku dhow inay dalab afraad u dirto xiddiga Monaco Thomas Lemar, laakiin waxay tartan kala kulmi doonaan kooxaha Barcelona Liverpool iyo Manchester City.

Arsene Wenger ayaa ka ceyrsaneysan qaabka kooxdiisa ku wajahday saxiixa xiddiga reer France oo 21 jir ah xagaagan.

Monaco ayaa hore u lumisay ciyaartooyda Bernardo Silva, Tiemoue Bakayoko iyo Benjamin Mendy oo ku biiray kooxaha Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa weli ku rajo weyn saxiixa Thomas Lemar, inkastoo saddex dalab oo ay ka gudbiyeen laga soo diiday.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror, Monaco ayaa ku dhegan qiimo £ 50m ah, Wenger ayaana diyaar u ah inu bixiyo qiimahaas.

Laakiin kooxda ka dhisan Faransiiska ayaa ka warqabta dagaalka in ay soo gashay Barcelona oo u aragta Lemar bedelka Neymar.

Ka dib markii Neymar ku biiray Paris Saint-Germain, Barcelona waxa ay heysataa qiimo £ 198m ah oo ay suuqa ku gasho xagaagan.

irror ayaa intaa kudartay in Barcelona soo gashay tartanka Thomas Lemar, xili Liverpool iyo Manchester City labaduba isha ku hayaan ciyaaryahanka.

City ayaa horay ugu soo qaadatay Monaco xiddigaha Silva iyo Mendy, oo kamid ahaa ciyaartooydii ka reebtay xilli ciyaareedkii hore tartanka Champions League.

Dhanka kale, Liverpool ayaa u aragta Thomas Lemar bedelka Philippe Coutinho oo kusii dhawaanaya Barcelona.

Laakiin tababaraha Monaco Leonardo Jardim ayaa ku dooday in kooxdiisa aysan fasixi doonin Thomas Lema.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...