Loading...

Buffon Oo Shaaciyay Magacyada 4 Weerar Yahan Oo Uu Neceb Yahay Inay Ka Hor Yimaadaan

Gianluigi Buffon, Goolhayaha Naadiga Juventus iyo qaranka Talyaaniga, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday gooldhaliyaasha uu ugu neceyb yahay inuu garoonka kaga yimaado, inta uu ku guda jiray kubada cagta casriga ah.

Wiilkaan ayaa waxaa lagu sheegayaa inuu yahay shabaq-waardiyeeyihii ugu fiicnaa ee soo mara kubada cagta aduunka, marka laga soo tago Dida, oo ahaa Halyeey hore ee oo qaranka Brazil, ah.

Asigoo wareysi siinayay Warsidaha COPA 90, ayaa wuxuu si cad uu daaha uga rogay sheekadaan, wuxuuna gabi ahaan sheegay in uusan arki karin wax gooldhaliye islamarkaana uu kala dhaxeeyo dagaal adag.

“Gabi ahaanba, waan neceb bahay wax gooldhaliye la dhoho, waxaase ugu necbaa inay garoonka iiga hor yimaadaan, Ronaldo [Kii Brazil] Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, yaanan ka tegin Zidane,” ayuu sheegay Buffon.

Wuxuu sheegay inay utahay wax aad  adag inuu wajaho shaqsiyaadkaan, asigoona rejeeyay ugu dambeyntii inay usoo baxaan Koobka aduunka ee 2018-ka, oo ay haatan dheelayaan wareegiisa ugu dambeeya.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...