Loading...

DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?

Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax , ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaadhsiinta DFS Maxamed Jaamac Mursal (Geele) ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka dowlada Federaalka Somalia.
 
Xildhibaan Geele ayaa sheegay in Qalbi dhagax aan lagu dhiibin heshiis rasmi ah, balse Heshiiskii ay cuskata xukuumada uu ahaa mid aan ka turjumeynin xaqiiqda.
 
Waxa uu sheegay in Heshiiska ay cuskatay xukuumada Somalia uu ahaa mid xal loogu raadinaayay dad Soomaaliyeed oo tirada dhimashadoodu kor udhaafaysay laba boqol oo qof.
 
Xildhibaanku wuxuu sheegay in heshiiskii ka dhacay Jigjiga uu goob joog ka ahaa isla mrkaana uusan aheyn mid khuseeyay is weydaarsiga maxaabiista.
 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 
Xildhibaanka oo ka hadlaayay heshiiskaasi ayaa yiri ”Aniga ayaa markhaati ka ahaa heshiiska ka dhacay Jigjiga waxa uu ahaa mid xal loogu raadinaayay colaad ka dhexeysay DDSI iyo maamul goboleed Soomaaliyeed ee Galmudug”
 
”Heshiiskaas maaha in laga been sheego waxaa hadda ku badbaadaya boqolaal kale oo ku dhiman laheyd dagaal dhexmara DDSI iyo maamul Galmudug”
 
Xildhibaan Geele waxa uu cadeeyay inuusan arag heshiis dhigaaya is weydaarsiga maxaabiista Ethiopia iyo Somalia, balse uu markhaati ka yahay in heshiiska ay soo xigatay xukuumada Somalia uu ahaa mid khuseeyay xalinta colaado taagnaa.


DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?


Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...