Loading...

DAAWO: Golaha Wakiilada Somaliland war ka soo saaray dagaal kii Shalay ka dhacay Tukaraq – Fariin adagna u diray Puntland..?

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta kulan deg deg ah Xaaladda dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
 
Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland.
 
Kulanka oo saxaafada ay dibad joog ka ahayd ayaa waxaa markii uu soo idlaaday ka dib warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashi Maxamed Faarax.
 
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay ineysan Ciidamada Somaliland gacmaha ka laaban doonin gardaro kasta oo kaga timaada Puntland.
 
Wuxuuna dagaalkii shalay ku tilmaamay mid lagu soo qaaday jiritaanka Qaranimada Somaliland,sida uu hadalka u dhigay.
 

Halkaan Hoose ka Daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...