Loading...

DAAWO: Golaha Wasiirada oo sameeyey Xil ka qaadis iyo Magacaabid (Aqri)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre.
 
Kulanka Golaha ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Ammaanka dalka, Warbixin ku saabsan shirkii New York, xilka qaadis ay sameeyeen Golaha Wasiirada iyo arrimo kale.
 
Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) oo sheegay in ammaanka uu aad u fiican yahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.
 
Kheyre ayaa sidoo kale Golaha Wasiirada warbixin ka siiyay shirkii uu uga qeyb galay New York, wuxuuna sheegay aduunyadu in ay u heelan tahay Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO

Kulanka khamiislaha ee Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa waxaa xilka looga qaaday Xisaabiyaha Guud, waxaana lagu magacaabay Xisaabiye Guud oo cusub.
 
Xilka Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo Faadumo Cusmaan Faarax oo horay Bankiga Dhexe uga soo shaqeysay.
 
Xisaabiyaha Guud Mr Siraaji ayaa muddo la hadal hayay in xilka laga qaadayo, waxaase xilkiisa uu noqday in Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay Xildhibaano ku jiraan inay ku ololeeyaan oo shaqsiyaad ay wataan u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha.
 
Docda kale, Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda waxa ay Caalamka ka codsadeen in Dowladda laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay, si dalka uu hormaro u gaaro.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...