Loading...

DAAWO: Madaxda DFS & Taliska Amniga oo ku heshiiyay Sedex Qodob oo looga hortagi doono Isku dhaca ciidamada & Sanbaloolshe oo…

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa qorshe cusub oo ay uga hortageyso isku dhacyada soo lab laabtay ee dhexmara ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kulan qarsoodi ah oo Madaxtooyadda ku dhexmaray taliska ciidamada, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa looga hadlay joojinta in ciidamada ay dagaalamaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in afar qodob laga soo saaray shirkaas oo saxaafada laga qariyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

1- In Ciidamada Xasilinta Muqdisho la siiyo awood dheeraad ah: Arrintan oo uu soo jeediyay Taliyaha Nabad Sugidda ayaa noqoneysa talaabadda ugu weyn ee ay qaadeen madaxda kulantay, waxaana looga gal leeyahay in ciidamada xasilinta awood loo siiyo inaan la baarin marka ay howlgal ku jiraan.

2- Inuu jiro isku xir ciidan oo hogaan looga dhigayo taliyaha booliska: Taliyaha ciidamada booliska dowladda Soomaaliya ayaa noqonaya madaxa isku xirka ciidamada gaar ahaan kuwa ku sugan Muqdisho

3- Madaxda Dowladda iyo taliyaasha ciidamada oo todobaadkiiba kulan ka yeelan doona arimaha mideynta ciidamada ayaa dhanka kale la siiyay awood ay kula socon karaan xaalada ciidamada gaar ahaan howlgaladda dhacaya.

Si kastaba, shalay ayuu taliyaha booliska DFS Janaraal Saacid uu sheegay in ciidamada la mideeyay isla markaana ay xoojin doonaan xasilinta amaanka Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...