Loading...

DAAWO: Maxa Laga Filan Karaa Xuutiyiinta Yeman Kadib Go’aankii Somaliland..?

Maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay war la sheegay in uu kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo ku aadana in ay gantaallo ku garaaci doonto Magaalada Hargeysa.
 
Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Muuqaal ay soo duubeen niman carab ah oo la sheegay in ay yihiin Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen.
 
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo gaaray Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.
 
Wasiirka waxaa uu sheegay in ay jawaabi doonaan hadii Xuutiyiinta ay u soo diraan war rasmi ah.
 
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay ka caroodeen saldhigga dowladda Imaaraadka ay ka furaneyso Magaalada Berbera ee Somaliland.
 

Halkan Hoose Ka Daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...