Loading...

DAAWO Muuqaalka Qaraxii Muqdisho & Dowladda Soomaaliya oo war aan la fileyn kasoo saartay..?

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sedex qof ay ku dhinteen qarax xoogan oo ka dhacay banaanka hore ee isbitaalka Daaru-Shifa ee wadada Maka Al-mukarama Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo isbitaalka la hordhigay, waxaana dadka dhintay lagu sheegay inay ahaayeen shacab.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda ay isla saarnaayen mooto Bajaaj, waxaana dhaawac uu soo gaaray caruurteedii.

Afhayeenka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha qaraxa uu ahaa in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

HOOS KA DAAWO QARAXA IYO KHASAARAHA

Qaraxa maanta ayaa kusoo aadaya xili maanta magaaladda Muqdisho ay ka socdeen howlgallo xoogan iyadoo gaadiidka wadadaas isticmaalayana la baarayay.

Lama oga sababaha ay hay’adaha amaanka ugu dhabeyn la’yihiin balanqaadkoodii ahaa iney ka hortagayaan qaraxyadda iyo falalka kale ee amaan xumadda ah.



WAR DEG DEG AH: Sababtii ka dambeysay in la dilo Nabadoon Geedi Maxamuud Axmed (Geedi Firdhiye)



Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...