Loading...

DAAWO: Qareenadii u Doodayey Siyaasiga Cabdiraxman Shakuur Oo Fashilay Go’aankii Maxkamada Racfaanka Iyo Shaqa Joojintii Lagu Sameyay..?

Qareenadii u doodayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Maxakamada Raxfaanka ee Gobalka Banaadir waxana ay shaaca ka qaaden ineysan jirin wax warqad ah oo soo gaartay.
 
Qaar kamid ah qareenada ayaa shegay in warbaahinta ay ka maqlen go’aan maanta ka soo baxay maxkamada isla markaana ay maalintii shalay soo gaartay warqad magacaabis ah oo lagu magacaabay 8-qaren oo salka ku haysay kiiska siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
 
Sidoo kale qareenada ayaa maxkamada racfaanka Gobalka Banaadir ku edeyay inan lasu soo war galin ganaaxa iyo shaqa joojinta lagu sameyay iyagoo ku tilmaamay mid nasiib dera ah, waxana ay sidoo kale shegen in siyaasiga Cabdiraxmaan uu ka diiday maalintii shalay iney u doodaan.
Ugu danbeyn qarenada ayaa shaaca ka qaaday iney maalintii shalay aheyd ay diiden in matalaaan kadib markii uu siyaasiga ka diiday iney u doodaan taas oo sababtay in maanta maxkamada raxfaanka ay shaqada ka joojiso isla markaana ganaaxdo.
 

Halkaan Hoose ka Daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...