Loading...

DAAWO: Raali galinta, Calaacalka Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka oo sheegay in wasiirada kale ay u tahay tusaale ?

Kal fadhiga labaad kulankiisa 9-aad ay maanta ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa shir guddoomiyay Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Ajandaha xildhibaanada ayaa ahaa dhameystirka dooda ku saabsan go’aan ka gaarista wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Ugu horeyn wasiirka Dastuurka oo fadhiga baarlamaanka goob joog ahaa ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay ka cafiyaan khaladaad uu sheegay in uu ku qoray bartiisa Twitterka.

Halkaan Hoose Ka Daawo

Intaasi kadib xubnaha baarlamaanka ayaa Cod aqlabiyad leh ku cafiyay wasiirka Dastuurka, oo horay qaar ka mid ah xildhibaanadu ay soo jeediyeen in dib u’eegis lagu sameeyo sii heynta xilka wasiirka Dastuurka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay cafiyeen wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, islamarkaana loo baahanyahay in ay wada shaqeeyaan qeybaha kala duwan dowaladda.

Ugu danbeyntii xildhibaanada baarlamaanka ayaa loo qeybiyay ajandayaal ay ka mid yihiin arrimaha looga baahanyahay in ay dhameestiraan 1 August ilaa isla 15 bishaan ee 2017.



DAAWO: Mahad Salaad oo Digniin xoogan udiray Xukumadda Ra’isul Wasaare Kheyre



Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...