Loading...

DAAWO: Sababta Somaliland ay Kaga Soo Horjesatay Maamulka Hawada Ee Lagu Warejiyay Dowlada Soomaaliya..?

Kadib markii maanta magaalada Muqdisho laga furay xarunta maamulka hawada soomaaliya ayaa waxa ka hadlay Maamulka Somaliland oo ka soo horjeestay go’aanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegeyso hawada dalka si looga maamulo gudaha Soomaaliya.
 
Maareeyaha Sadaasha Hawada maamulka Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa shir jaraa’id u ku qabtay xafiiskisa sheegay in Xarunta Muqdisho laga furay maanta ay Somaliland aqbaleyn isla markaana aysan aheyn wax suurta gal ah.
 
Sidoo kale Waxaa uu sheegay Maareeyaha Saadaasha Hawada Maamulka Somaliland in go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegeyso maamulka Hawada ay qalad tahay dhawaana dacwad u gudbin donaan qaramada midoobay.
 
Ugu dambeyn waxaa uu xusay in go’aankan uu saameyn taban ku yeelanayo wadahadallada u dhaxeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah ee lagu doonayay in lagu dhameeyo muranka siyaasadeed.

Halkan Hoose Ka Daawo

 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...