Loading...

DAAWO: Shabaab oo soo bandhigtay Askari Kenyan ah oo ay tooganayaan

Al-Shabaab ayaa shaacisay iney qaarajisay askari ka tirsanaa maxaabiistii ciidamada Kenya looga qabsaday dagaalkii ka dhacay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo labo sano ka hor.

Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah Garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa baahisay video muujinaya dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo bastoolad ku tooganaya askariga maxbuuska ah.

Askarigan oo Al-shabaab aysan magaciisa sheegin ayaa daqiiqado ka hor intaan la toogan waxaa laga duubay fariin uu kula hadlayo dowladiisa iyo eheladiisa.

Maxbuuskan oo aan aheyn kii ugu horeeyey ee Al-shabaab toogtaan ayaa saraakiisha kooxdan waxay sheegayaan iney hayaan maxaabiis kale oo ka tirsan ciidamada Kenya ayna marin doonaan wadada ay mareen kuwii hore.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...