Loading...

DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay ee Kulanka Barlamaanka, Arinta Qalbi-dhagax & Mooshinka RW Kheyre..?

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa saaka xarunta baarlamaanka Somalia ka furmaaya kulanka Xildhibaanada oo uu ajandihiisu yahay kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).
 
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in mar kale lagu celinaayo kiiska Saraalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse ee horay u fashilmay gudaha asbuucaani.
 
Kulanka maanta oo ah mid xasaasi ah, maadaama Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku kala qeybsameen arinta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), ayaa waxaa laga yaabaa inay kasoo baxdo natiijo aan la fileynin.
 
Xildhibaanada oo ku kala aragti duwan arrinta Qalbi Dhagax ayaa qaarkood qaba in kulanka maanta uu kasoo bixi doono natiijo isla markaana uusan fashil ku imaan doonin.
 
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo aan arrintaani ka wareysanay ayaa sheegay in inta badan Xildhibaanada ay ku midooben in xal loo raadiyo dooda muranka badan dhalisay.
 

HOOS KA DAAWO RAJADA KHEYRE & SIYAASADDA CUSUB

 
Waxa ay xaqiijiyeen in kulanka maanta laga filankaro guul isla markaana ay jiraan wadahadalo u dhexeeyay Xukuumada iyo Xildhibaanada baarlamaanka.
 
Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa yiri ”Waxaa kulanka laga filayaa inuu kusoo dhamaado guul isla markaana culeyska laga qafiifiyo xukuumada, ma sheegikaro waxyaabaha u qarsoon Xildhibaanada balse guul ayaan fileynaa”
 
Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii ina dhaaftay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa uu u baaqday kooram la’aan, taasi bedelkeeda qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay ka dambeysay baaqashada kulanka.


Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...