Loading...

DAAWO: Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi” Muqdisho Dad Ayaa Degaan ku ah Halla Siiyo Xuquuda Ka Maqan Gudoomiye Thaabit..?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka hadlay shirka dib u heshiisiinta ee Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed uu ka wado Magaalada Muqdisho.
 
Xildhibaan Ibbi ayaa shegay in waqti wanaagsan uu kusoo aaday qorshaha shirka dib u heshiisiinta isago shegay in muqdisho ay noqotay meel qof walba uu shegto maadaama ay tahay caasimada Dalka.
 
“Aniga waa qabaa in laga fakiro xaalada Gobalka Banaadir sababto ah waxa ogtihiin magaalo kasta dad ayey saldhig u tahay oo degaan rasmi ah kuleh waana mid gudoomiye thaabid oo ah nin dhalin yare ah ku kaliftay, ayuu yiri xildhibaan Ibi.
 
Sidoo kale Xildhibaan ibbi ayaa shegay in amaanka Gobalka Banaadir aan lagu aamini Karin ciidamada isku dhafka ee caasimada isla markaana ay muhiim tahay in la helo nidaam u gaar ah Gobalka Banaadir.
 
Ugu danbeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan ibbi ayaa bogaadiyey qorshaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed uu ka wado Magalada Muqdisho kuna baaqay in lagu garab istaago.
 

Halkan Hoose Ka Daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...