Loading...

DAAWO XOG CULUS: Xulifadda Sacuudiga oo Somaliland ku abaalmariyay Xariirkii ay ujartay Dalka Qatar

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dib loo bilaabay dhoofinta xoolaha nool ee loo qaadi jiray dalka Sacuudiga.

Maamulka ayaa sheegay in Somaliland ay dib u bilawday dhoofinta xoolaha kadib wadahadal dhexmaray dowlada Sacuudiga iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha maamulka Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuuse oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xayiraada laga qaaday Somaliland ay xal u noqoneyso sicirbararka ka jira deegaanada maamulka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

“Waxaa dhoofinta sabab u ah baryada alle oo nalaga aqbalay, waxaan dadaal badan galinay sida dowlada Sacuudiga u bilaabi laheyd dhoofinta waxaa suuragalay inaan ku guuleysano”ayuu yiri Wasiirka S/Land.

Waxa uu Wasiirka sheegay in dhoofin xoolo oo gaara ay u sameyn doonaan dalka Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inay la galeen wadahadal ku aadan dhoofka xoolaha nool.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay maslaxad gaara ugu jirto dhoofka xoolaha nool, sidoo kalane ay xooga saari doonaan inay helaan dal Seddexaad oo loo dhoofin doono xoolaha.

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa maamulka Somaliland abaalmarin uga dhigay dhoofka xoolaha tan iyo markii ay shaacisay inay xiriirka u jartay dowlada Qadar.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...