Loading...

DHAGAYSO: Arrinta Galmudug oo Xiisad ka dhex abuurtay Beelaha Habargidir & Murusade & Kulamo ka dhacay..?

Waxaa hadda soo if baxaya dagaal Siyaasadeed oo ka dhex taagan Beelaha Habar Gidir iyo Murusade oo la isku haya Arinta ka jirta Deegaanada Galmudug.
 
Madaxda Galmudug ayaa qoorta iskula jira mid walbana isagaa isla saxan,waxaana Xaaf uu diidan yahay Xilka qaadis tiro dhowr jeer lagu sameeyey.
 
Beesha Murusade tan iyo markii Awooda R/wasaaraha Dalka Qabteen waxay lasoo baxeen Miciyo Libaax iyagoo ku takrifal Xukunka ah sameenayey.
 
Meelaha qaar Ciidanka la dhigay ayaa waxaa Taliyeyaal ka ah Murusade,Taliyaha Guud Ee Xasilinta Howlgalka Xamar waa Murusade,Xafiisyada Xukuumada Badankood waxaa jooga Murusade,Qeybta Baratakoolka Xukuumada waxaa heysta Murusade sow Shaar Qabiil meesha laguma joogo?
 

HOOS KA DHAGAYSO XOGTA OO DHAN

Abuukar Ganeey oo Odayaasha ugu Afkaarta Kulul Ee Habar Gidir,Axmed Diiriye Cali iyo Ugaas Caga Jabeey ayaana waxay ka hadleen Fara gelinta Qaawan Ee Murusade Beeshooda ku heyso.
 
Waxay Sheegeen Waxgaradkaasi in Madaxda Dalka aysan uga heybsan doonin wax lagu duminayo Maamul Dhisan oo ay Galmudug kala jeedaan oo hadda Burus weyn loo sito.
 
Si maldahan ayey usheegeen Odayaasha inaysan awood dheereyn Burusade ayna iska difaaci doonaan dagaalka Siyaasadeed ay la damacsan tahay.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...