Loading...

DHAGAYSO: Beesha Sacad oo Hanjabaadii ugu weyneyd soo saartay & Xiisadda Gaalkacyo oo gaartay…

Kulan ay magaaladda Gaalkacyo ku yeesheen waxgaradka Beesha Sacad oo kamid ah Beelaha Habar Gidir – Hawiye ayaa waxaa ay uga hadleen arimo xasaasi ah oo ay kamid tahay in Puntland ay dhibaato ku hayso dadka deegaanadaas.

Odayaashan ayaa si weyn udhaliilay inuusan jirin maamul matala beeshaas oo usoo dhiciya xaqooda, waxaana ay tilmaameen iney talaabo adag qaadi doonaan hadii arintan wax laga qaban waayo.

“Beesha Masiirkeedii dowladda dhexe iyo maamulkeedi dhamaan faraha ayuu ka baxay, waana inaan soo celinaa”ayuu yiri mid kamid ah odayaashii kulankaas ka hadlay.,

Arimaha ugu waa weyn ee kulankan looga hadlay ayaa ahaa kadib howlgal ay Puntland ka dambeysay oo ciidamada Mareykanka ku qabteen C/Risaaq Xuseen Tahliil oo lagu sheegay Sargaal Shabaab ah, laakiin Galmudug ay sheegtay inuu ahaa nin ganacsade ah.

HOOS KA DHAGAYSO HANJABAADA BEESHA

 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...