Loading...

Dhagayso: Dowladda oo ku dhawaaqday Balanqaad ka farxiyay Shacabka & Diyaarado loo diray dalalka…

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Arin kale oo farxad gelisay shacabka Soomaaliyeed taas oo ah iney dhawaan Muqdisho soo gaari doonaan maxaabiis kale oo dibadda ku xiran.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in dowladda Somaaliya ay dhawaan dalka soo gaarsiin doonto maxaabiis ka badan boqol oo ku xiran dalalka India iyo Siishelis.

“Dowladahaas waan kala heshiinay soo wareejinta maxaabiista dhawaan ayaana keeni doonaa dalka”ayuu yiri Ra’isul Wasaare ku xigeenka oo tilmaamay in dhanka kale ay dalal badan maxaabiis kasoo deyn doonaan.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso

Talaabadan ayaa ka farxin doonta waalidiin badan oo caruurtooda xabsiyada mudo dheer ku jiraan waxaana dhawaan Muqdisho soo gaaray 114 maxaabiis Itoobiya laga soo daayay ah.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...