Loading...

DHAGAYSO: Dowladda oo Waji Cusub uyeeshay Dagaaladii Muqdisho & Madaxda DFS oo Cadaadis saartay…

Dowladda Soomaaliya war ka soo saartay iska hor imaadyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay sarkaal sare iyo ciidamo ka tisan kuwa ammaanka.

Wasiirka Gaashaandhgga C/rashiid c/laahi Maxamed iyo agaasimaha NISA ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ka sheegay in waxa dhacay ay ahaayeen shil, isla markaana guddi loo saari doono soo baara.

Wasiirka Wasaaradda Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in falkaan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa isna sheegay isku dhacaasi inuu ahaa mid shil kama’ ah ku dhacay, isla markaana ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ay cadaadis xoogan saareen laamaha amaanka ayna doonayaan in baaritaan deg deg ah la sameeyo.

Hoos ka dhagayso Taliyaha NISA Sanbaloolshe

Hoos ka dhagayso Codka Wasiirka Gaashaandhiga

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...