Loading...

DHAGAYSO: Emaaraadka Carabta oo Xisbiga Kulmiye ku taageeray wax isdaba marinta Doorashada Soomaliland..?

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa soo bandhigay waraaqo been abuur ah oo lagu soo daabacay Emaaraadka Carabta sida ay sheegeen oo xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye uu ku musuq maasuqay Doorashadii dhacday,iyadoo waraqahaas ay qeyb ka qateen in xisbigu helo codad badan oo been abuur ah.
 
Xisbiga Wadani gaar ahaan Musharaxa Madaxweyne ee xisbigaas Mudane Cirro ayaa horey u sheegay inuu ka fiirsan doono hadii uu talada Soomaliland qabto Heshiiska Dekadda Berbera loogu wareejiyay Emaaraadka Carabta iyo saldhiga Militeri ee Emaaraadku ka dhisayo isla berbera.
 
Xubno ka tirsan Xisbiga wadani ayaa soo bandhigay Cadeynta arintaas,waxeyna ka hadleen oo kale waxa la gudboon xisbi ahaan iyo talaabada ay qaadayaan hadii gudiga doorashadu jawaab cad ka bixin waayo.

Halkaan Hoose ka Dhagayso

………………………………………………………………………………………

………………………………………………………………………………………

DHAGEYSO: Guddiga Doorashada Somaliland oo ka hadlay in ay ku shubasho dhacday..?

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...