Loading...

DHAGAYSO: Farmaajo oo Kheyre Dusha ka saaray Waxii dalka ka dhacay Lixdii bil ee lasoo dhaafay Sida Xiisadii Qalbi dhagax, Galmudug,Somaliland..?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan dalka jira oo marba marka ka dambeysa kor u sii kacaya.
 
Wuxuu sheegay Madaxweynaha in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu xusay in Beesha Caalamka iyo dowladdaha kale ee taageera Soomaaliya aysan muhiim ahayn in ay dhex dhexaadiyaan dadka Soomaaliyeed khilaafkoodana ay xaliyaan.
 
Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in waxii dalka ka dhaca hadii ay wanaag yihiin ama xumaan yihiin ay masuul ka tahay xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Halkaan Hoose ka Dhagayso

 
Waxaa uu qiray iney jiraan waxyaabo badan oo ka qaldoomay dowladiisa, laakiin taas badalkeeda ay jiraan waxyaabo badan oo la saxay lana qabtay
 
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta laga doonayo in meel ay ugu soo wada jeestaan sidii loo qancin lahaa Madaxda iyo Shacabka Soomaaliland.
 
“Midnimadu waa muhiim, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu u taagnaadaa midnimada, marka aan isku duubannahay cidna nama soo dhexgeli karto, maamul goboleedyada waxaa looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe.” Ayuu yiri Farmaajo.


DHAGAYSO: Arrinta Galmudug oo Xiisad ka dhex abuurtay Beelaha Habargidir & Murusade & Kulamo ka dhacay..?



DHAGAYSO: Mid kamid ah Dowladaha taageera DFS oo dhaqaalo siisay Madaxweynaha Galmudug & RW Kheyre oo…?



Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...