Loading...

DHAGAYSO: Kulankii Golaha Baarlamaanka oo Baaqday & Jawaari oo Hanjabay (Sababta)

Wararka naga soo gaaraya xarunta baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in kulankii Xildhibaanada ee lagu waday in looga doodo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax uu baaqday.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaasi uu u baaqday kooram la’aan kadib markii xildhibaanada xaadiray aysan gaarin cadadkii loogu tallo galay.

Xildhibaanada maqan oo lasiiyay wakhti ay ku xaadiri karaan xarunta ayaan gaarin xarunta, waxaana lagu dhawaaqay inaanu buuxsamin kooramka.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Halkaan Hoose ka Dhagayso

Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka ayaa la sheegay inay ku maqan yihiin fasax dalka dibadiisa ah, waxaana sababta ugu weyn ee baaqashada kulanka lagu sheegay maqnaanshiyaha Xildhibaanada.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in fashilka kulanka ay ka danbeysay Xukuumada Somalia, iyadoo ujeedka lagu sheegay baadi-goobka fursad lagu kala furfuro Xildhibaanada.

Ma cadda xiliga uu qabsoomi doono kulanka maanta fashilmay, inkastoo la shaacin doono wakhtiga soo socda ee uu qabsoomi doono.

Dhanka kale Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya saaka in Ciidan kala dugan lagu soo daadiyey magaalada Muqdisho Ciidamadaas oo is kugu jira kuwa dowladda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa goordhaweyd oo duhurnimadii ah waxa uu soo dhigay Boggiisa Facebook Qoraal uu kaga hadlayo wixii maanta Baajiyey Kulanka Golaha Shacabka iskugu imaan lahaayeen.

Waxa uu si kulul Afka ugu weeraray Xukuumada Soomaaliya Ee R/wasaare Xasan Cali Kheyre Hogaamiyo sheegayna in Waddooyinka ay xiratay oo xildhibaanada loo diiday inay Xarunta galaan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Mucaarad ku ah Dawlada Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirada Xukuumada ay Fowdo uyimaadeen Kulankaasi si uu ubaaqdo Kulanka waana ay dhacday midaasi.

Maanta Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa ka arinsan lahaa Qadiyada C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax iyo dhiibitaankiisii Dawlada Itoobiya.

Hoose ka akhriso

Ceeb, Yaxyax iyo wax laga xumaado ayay ahayd tilaabooyinkii Xukuumadu qaaday maanta ee jidadka looga xiray Xildhibaanada si aysan usoo gaarin xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa nasiib daro ah in Golaha Wasiirada lagu soo daabulo xarunta Golaha Shacabka si Xildhibaanada looga baajiyo guntamka kooramka Golaha Shacabka oo maanta u balansanaa inay go’aan kasoo saaraan dhiibistii Xukuumada ee Abdikariim Qalbi Dhagax.



DHAGEYSO:Xildhibaano iyo Madax Daganaay Villa Somalia Oo Korontada Iyo Biyaha Laga Jaray…?

 


Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...