Loading...

DHAGAYSO: ONLF Oo Baarlamaanka Soomaaliya Ka Dalbatay Labo Arrin Oo Kaliya..?

Ururka ONLF ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan cidda ka danbeysa dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax.
 
Afhayeen u hadlay ururkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in aqalka sare ee dalka ay ka dharagsan yihiin dareenka umadda Soomaaliyeed ay ka qaadeen arrintaasi.
 
Wuxuu sheegay in ONLF uu macno u leeyahay kulankani, islamarkaana baarlamaanku ay ka dhiidhiyaan farogalin uu sheegay in Itoobiya ay ku heyso dalka.

Halkaan Hoose ka Dhagayso

Waxa uu soo hadal qaaday kulankii golaha shacabka ee baaqday isagoo tilmaamay in baarlamaanku ay ka filayaan in Madaxweynaha iyo xukuumadda ay kula xisaabtamaan arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
 
“Waxaan baarlamaanka sharafta eh ka dalbaneynaa in ay tallaab adag ka qaadaan cid walbo oo ka dambeysay in Qalbi Dhagax loo dhiibo cadowga, annaga kulanka aqalka sare ka leeyahay arrintaan muhiim bay inoo tahay, waxaana fileynaa in natiijo Soomaalida oo dhan qalbiga u qaboojiya iney kasoo baxdo” ayuu yiri Afhayeenka.
 
Maanta oo Isniin ah, aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka shiraan sax ama qalad ahaanshiyaha go’aankii xukuumadda ee Qalbi Dhagax iyo dhiibistiisa intaba.


Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...