Loading...

DHAGAYSO: Shirkii Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray iyo Shacabka Reer Banaadir oo lagu dulmiyay Shirkaas..?

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadatashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.
 
War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Halkaan Hoose ka Dhagayso

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Gole la baxay “GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA” oo lagu dhisay shirkii Kismaayo.

Golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doono danaha dowlad Goboleedyada oo ay barbar socoto dib u heshiisiin dhab ah, waxaana sidoo kale guddoomiye ku xigeen loogu doortay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan xilka Hirshabeelle loo caleemo saari doono.



DHAGEYSO: Ahlu-sunna Oo War Dhabar Jab Ku Ah DFS Kasoo Saartay Shirka Kismaayo..?


DHAGAYSO: Cabdi Wali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay xilka loo dhiibay, Asagoona sheegay in Dowlada Soomaliya aysan xukumin..?



 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...