Loading...

DHAGAYSO: Soomaaliya Oo La Kala Qeybsaday iyo Qorshe Gumeysi Cusub Oo Lagu Diyaariyey Xerada Xalane- Caddeyn..?

Kulan maalmahan dambe xerada uga socday dowladaha Reer Galbeedka, Maraynkanka, Itoobiya iyo Uganda ayaa lagu soo gabagabeeyay qorshe ballaaran oo la doonayo in gumeysi lagu geliyo Soomaaliya.
 
Qorshahan ayaa ah sidaan xogta ku helnay in Soomaaliya lagu soo daabulo ciidamadii ugu badnaa ebed, maadaama madaxweyne Farmaajo oo laga baqayey uuba isaga dalbaday ciidamadan.
 
Itoobiya ayaa lagu wargeliyey in kaligeed ay Soomaaliya soo geliso 30 kun oo askari, kuwaasi oo la wareega meelaha muhiimka ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGAYSO

Uganda ayaa sidoo kale laga dalbaday iney 15 kun ciidan keenaan, halka dowladaha reer Galbeedkana ciidamo iyo qalab Milatari keeni doonaan.
 
Sida Garqaad Online ogaatay, ciidamadan badan waxay ciriiri gelin doonaan kuwa Soomaaaliya, waxaana ciidamada Soomaaliya dhammaantood la doonayaa in dib loogu celiyo xerooyinka.
 
Dalka waxaa maamuli doona ciidamada ajaaniibta ah, sababta sidaasi loo sameynaya waa in la waayo askari Soomaaliyeed oo shacabka u damqada.
 
Inta shisheeyuhu joogaan oo sanado noqon doonta ayaa laga faa’ideysan doonaa kheyraadka dalka, sida bariga iyo Badda, waxaana la maamuli doonaan ilaha dhaqaalaha ee dalka.
 
Itoobiya ayaa fursadaha ugu weyn ah in lasiin doono Illaa Labo dekad oo iyaga u gaar ah waxna looga soo dejiyo.
 
Halis badan waa ay imaan kartaa maadaama dalka ay Ajaaniib u tashatay, waxaase kasii daran qorsheyaasha loo degay Al-shabaab.
 
Shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmahan dambe aad ula yaabanaa waxa ka socda Xalane oo xan ahaan ay maqlayeen.
 
Lama oga sidey ku suurtagalayso hammiga wadamadan shisheeye, gaar ahaan reer Galbeed oo uu hoggaaminayo Maraykanka, Itoobiya iyo Uganda.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...