Loading...

DHAGAYSO: Ururka Al Shabaab oo wacad ku Maray arin Halis ku ah Muqdisho iyo Hogaamiyeyaal Caan ah oo Hanjabay..?

Ururka Al Shabaab ayaa kulamo gaar gaar ah ku qabanayey Maalmahaan Dambe Meelaha Dadka iskugu yimaadaan Deegaanada ay ka arimiyaan.
 
Goobaha Masjidka markii salaada laga baxo ayey Shabaab waxay dadka ku Amraan in la dhageysto Wacdi ay Saraakiisha soo gudbiyaan nuxurka ama tulucda uu yahay la dagaalanka DF Soomaaliya.
 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Shabaab ayaa Habeeno ka hor Khudbad ka jeediyey Masjid ku yaala Deegaanka Yaaq Barawe oo hoostaga Gobolka Bay wax yarna ujira degmada Diinsoor.
 
Waxa uu sheegay in Dawlada ay soo qaadeyso Weerar sidaa awgeedna loo baahan yahay in Xamar la beegsado oo ay Duulaankooda looga dhigo mid Xamar laga saaro si maamulkii Islaamiga ahaa dib loogu celiyo.
 
Ilo Garqaad heshay ayaa sheegaya Fu’aad Shongole,Cali Dheere,Abu Muscab,Sheekh Jaamac C/salaan iyo Saraakiil kale oo Shabaab magac ku leh ay isku kala qeybiyeen in dadka dhiiri geliyo oo Duulaankaasi looga hortegoo DFS soo qaadeyso
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...