Loading...

DHAGAYSO: Xildhibaannadii Mooshinka Ka Keenay Shariif Xasan Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Leh Baydhabo iyo Go’aano Xasaasi ah oo..?

Xildhibaannada barlamaanka mamulka K/galbeed gaar ahaan kuwa diiddan Shariif Xasan ayaa maanta oo Jimco ah isku ballansaday sidii ay uga shoori lahaayeen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynahooda.

Waxay doonayaan iney wax iska weydiiyaan sidii ay guddoonka barlamaanka maamulkaasi ku horgeyn lahaayeen mooshinkaan iyo sida codadka ku filan loogu heli lahaa.

Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo kamid ah mudanayaasha mooshinkaan keenay ayaa sheegay in maanta ay go’aan ka gaarayaan waqtiga guddoonka loo gudbin lahaa mooshinkaan.

Xaaladda siyasadeed ee maamulka K/galbeed ayaa cirka isku shareertay, waxaana jira walwal xooggan oo soo foodsaaray Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGAYSO

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...