Loading...

[DHAGAYSO:-] Xildhibaano ku dhagan Sanbaloolshe & Dowladda oo ku ceebeysan hal arin..

Khilaafka udhaxeeya xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya iyo taliyaha hay’adda Nabad Sugidda ayaa gaaray heerkii ugu xumaa iyadoo hadalo adag la isku weydaarsaday baraha bulshada iyo saxaafada maqalka ah ee Muqdisho.

Taliye Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa dhawaan ujawaabay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhaliilay qorshaha dowladda ee sugidda amaanka kadib markii ciidamo katirsan dowladda ay ku dagaalameen banaanka madaxtooyadda.

HOOS KA DHAGAYSO CODKA

Laakiin Xildhibaanada dhaliilsan qaabka uu ushaqeynayo Taliyaha NISA ayaa sii kordhaya, http://premier-pharmacy.com/product-category/blood-pressure/ waxaana xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaate) uu isna sheegay inuu ka xun yahay qaabka ay dowladu usugeyso amaanka Muqdisho,

Waxaa uu tilmaamay in gabi ahaanba qalad uu yahay howlgalka xasilinta Muqdisho iyo sidoo kale hub ka dhigista oo uu ku tilmaamay mid qorshe xumo ah.

“Dadkaan Been maxamili karaan, amni ayaan sugeynaa ayay leeyihiin iyaga ayaa isleynaya, jidadka waa xiran yihiin” ayuu yiri Xildhibaanka.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...