Loading...

DHAGEYSO: Ciidamada ilaalada u ah RW kheyre oo Risaas Culus ku furay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya…

Ciimada ilaalada Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa ku sigtay iney qaarajiyaan xildhibaanad katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Ra’isul Wasaare Kheyre ay rasaas la dhaceen gaari ay la socotay Xildhibaanad Biibi Cismaan Maxamed oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, waxaana xiligii la rasaaseynayay ay mareysay banaanka madaxtooyadda.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Xildhibaanadda ayaa ka bad-baaday rasaastaas sida uu xaqiijiyay darawalkeeda oo mid kamid ah idaacadaha Muqdisho la hadlay.

“Xildhibaanada shir ayay kasoo baxday, waxaana ay kusoo aaday wadooyina oo Ra’isul Wasaaraha uxiran, laakiin waa nala soo daayay markii aan mareynay meel ku dhow madaxtooyadda ayaa rasaas nagula soo riday nasiib wanaag xildhibaanada iyo anaguba waxba nama gaarin”ayuu yiri Darawalka xildhibaanadda oo magaciisa kusoo gaabiyay Cabdullahi.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xiligii shilkaas dhacayay booqanayay maxaabiistii Itoobiya laga soo daayay waxaana loo xiray wadooyinka waa weyn ee ku dhow Madaxtooyadda ilaa iyo dekadda.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...