Loading...

DHAGEYSO: Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo Dagaalamay – Deegaan Muhiim ah oo lagala wareegay Puntland..?

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Hubeysan oo ka tirsan maamulka Soomaliland in ay saakay la wareegeen tuulada Tukaraq oo 86.km u jirta magaalada Garowe.
 
Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuuladda Saakay Arootii uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo Puntland, islamarkaana ugu dambeyntii ay qabsadeen ciidamada Somaliland.
 
Tukaraq ayaa hoos timaada degmada Laascaanood, waxayna ahayd meel ay isku hor fadhiyeen ciidanka Somailand iyo Puntland.
Wariyeyaasha Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.
Dagaalka ayaa hada sii xoogeystay waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka Nuucyadiisa kala duwan.
 

Halkaan Hoose ka Dhageyso

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...