Loading...

DHAGEYSO: Gaarigii Shacabka Muqdisho ay ka Cabsan jireen oo la Qabtay

Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho xiliyada habeenkii waxaa dhac loo geystaa shacabka, iyadoo kooxaha Burcada ee dhaca geysanaya qaarkood ay ku labisan yihiin Dharka ciidanka dowlada.

Hadaba Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay ku guuleesteen in ay Gacanta ku soo dhigaan gaari ay wateen Koox Burcad ah kaas oo lagu dhici jiray dadka ku nool gudaha degmadaas iyo waliba degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ayay u suurta gashay in ay Gacanta ku dhigaan Gaarigaas oo caan ka ah degmadaas iyo Milkiilihii Gaariga.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Axmed Xasan Maxamuud,oo Goobta lagu soo bandhigayay Gaariga ka hadlayay ayaa sheegay in Gaariga uu yahay noociisa NOHA,Kaas Oo Taargadiisu Aheed AD1224,islamarkaana ay ka warqabeen laamaha amniga sida CID,da iyo taliska Nabad-Sugida Soomaaliya intaba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiliga la qabanayay Gaariga iyo Burcada wadatay ay dhacayeen Xoolo ay wateen dad Shacab ah.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...