Loading...

DHAGEYSO: Jawaabtii ay ka bixiyeen Yusuf Garaad iyo Wasiir Juxa Xilka qaadistii uu ku sameyey Kheyre..?

Jawaabta Xil-ka-Qaadisteyda Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.
 
Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay.
 
Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.
 
Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Juxa.
 
Waxaan saaka anigaa Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday.

Halkaan Hoose ka Dhageyso

Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.
 
Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay.
 
Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...