Loading...

Dhageyso: Lacagta Dalalka Itoobiya Iyo Kenya Oo Laga Isticmaalayo Qaar kamid Gobalada Somalia…

maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka waxaa ka jiray xiisado ku aadan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah taas oo keentay in deegaanada iyo degmooyinka ku teedsan xaduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka aan dersika nahay laga istimaalo lacagta Wadamadaas.

Lacagta Birta Itoobiya iyo Shilinka dalka Kenya ayay dadku sicaadi ah u isticmaalayaan kadib markii la diiday lacagta shilinka Soomaaliga ah waxaana la isweeydiinayaa cida iskaleh masuuliyadaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:

Dr C/Waaxid Cabdullaahi Warsame oo ku nool Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in arintaasi ay tahay Nasiibdaro lagana doonayo in dadka Soomaaliyeed ay iyaga ilaashadaan lacagtooda.

sidoo kale waxa uu Masuuliyada arintaan dusha uga tuuray in ay leedhay dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana tani ay keeneyso Sicir barar.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...