Loading...

DHAGEYSO: Somaliland iyo Puntland oo Ciidamo Badan Ku soo Daabulay Nawaaxiga Tukaraq..?

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo badan ay ku daabuleen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.
 
Wararka ay helayso Garqaad News, ayaa waxay sheegayaan in xilli walbo la filan karo dagaal dhex mara Labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi.
 
Labada dhinac ayaa warbaahinta isku mariyey hadallo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo.
 
Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in waxgaradkii ku howlanaa xallinta colaaddan ay ku guul dareysteen iney Labada dhinac ay nabadda ka dhaadhiciyaan.
 

Halkaan hoose ka Dhageyso

………………………………………………………………………….

DAAWO: Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi” Muqdisho Dad Ayaa Degaan ku ah Halla Siiyo Xuquuda Ka Maqan Gudoomiye Thaabit..?

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...