Loading...

DHAGEYSO: Xeeladda Uu Wasiir Xoosh Isaga Badbaadiyey Mooshinkii Golaha Shacabka….

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta cafiyey wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil kadib markii maalmahan ay wasiirka ku dheganaayeen qaar kamid ah xildhibaannada golahaasi.

Wasiirka oo maanta hortagay xildhibaannada golaha shacabka ayaa ka cudurdaartay qoraal uu dhowaan ku baahiyey bartiisa Twitterka, isaga oo sheegay iney tahay qalad uu galay, kana raaligelinayo xildhibaannada.

Waxa uu wasiir Xoosh balanqaaday inuu xoojinayo xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka, xilli walbo oo loo yaarana uu imaan doono.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA HOOSE

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in qalad dambe aanu geli doonin, haddii uu ogaan lahaa wixii uu Twitterka kusoo qoray in sidan u saameynayso aanu kusoo qori lahay.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...