Loading...

DHAGEYSO:Taliye Sare oo ka Tirsan Ciidamada Militariga Dowladda Farmaajo oo isku Dhiibay Kooxda Al- Shabaab?

Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay sarkaal katirsanaa ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamuud Cali “ Jareer” ayay Al Shabaab sheegeen in uu ahaa taliyihii ciidanka dowladda ee degmada Ceelbuur.

Xarakada Alshabaab ayaa Barahooda Internetka ku shaaciyay sarkaalkaan ka soo goostay ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wali majiro war ka soo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya,mana ahan marki ugu horeesay oo askar katirsan Dowladda aay ku biiraan Alshabaab,waxayna sidaan oo kale dhawaan u soo bandhigeen askar ka soo goosatay dhanka ciidanka Jubalanad.

Halkaan hoose ka Dhagayso

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...