Loading...

FADEEXO: Sababta xilka looga qaaday Dhaxal sugihii Sacuudiga oo la helay & Boqortooyada oo Ceeb…

Sida ay wakaaladda Wararka Reuters u xaqiijiyeen Ilo ku dhaw boqortooyada Sacuudiga dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed Bin Nayif ayaa xilka looga qaaday arrimo la xiriira daroogo.

Maxamed Bin Nayid ayaa la sheegayaa in aad u isticmaali jiray maan­dooriyaha loo yaqaano cocaine, sidoo kale waxaa uu dhowr jeer ku hurday xaflado kadib markii xilkaas loo magacaabay 2015­kii.

Go’aanka lagu ceyriyay Maxamed Bin Nayid waxaa gaaray hey’adda Beycada dalka Sacuudiga oo ka kooban 34 xubnood.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu daroogiste ahaa waqti dheer, marar badanna ay kula taliyeen Boqor Cabdalla iyo Boqor Salmaan in uu is daaweeyo.

Dhaxal­sugihii hore ee boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Nayef, ayaa taageeradiisa u ballan qaaday inuu lashaqeyn doono dhaxal­sugaha cusub ee lagu beddelay Mohammed Bin Salman oo ah wiilka boqor Salman Bin Abdul Aziz.

Wareegto kasoo baxday boqortooyada ayaa xilka dhaxal­suge looga qaaday Mohammed Bin Nayef oo ah 57 jir uu adeer u yahay boqor Salmaan, waxaana beddelay Mohammed Bin Salman oo 31 jir ah, kaasi oo horey u ahaa ku xigeenka dhaxal­sugaha.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...