Loading...

HORDHACA: Tottenham Hotspur v Chelsea- London Derby Oo Ka Dhacaya Wembley, Bakayoko Oo La Heli Karo Iyo Xaqiiqooyinka Ciyaarta

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ay tahay inay isku dayaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kooxda Tottenham Hotspur kulanka axada maanta ah dhacaya.

Tottenham xilli ciyaareedkooda afaraad waxaa hogaaminaya tababare Mauricio Pochettino, oo kaliya ku guuleysatay kaalinta labad ee horyaalka xilli ciyaareed ugu dambeyay,

Conte ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada tababaraha Spurs, laakiin wuuu qiray inuu u baahan yahay waqti lamid ah midka ay siisay Tottenham inuu ka helo Bules.

Waxaa jira war wanaagsan oo usoo yeeray macalin Conte ka dib markii la sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko uu ciyaari karo kulankiisii ugu horeeyay Blues.

Xiddiga reeer France ayaa kasoo kabsaday dhaawac uu ka qabay jilibka, waxaana macquul ah inuu safto ciyaarta London Derby, laakiin Eden Hazard iyo Pedro ayaa weli dhaawac ku maqan.

OGEYSIISKA

Saacada: 6:00 PM

Garoonka: Wembley Stadium

MAXAA CUSUB?

Sunday's game has come too soon for Chelsea's Belgian midfielder Eden Hazard

Kieran Trippier ayaa laga yaabaa inuu taam u noqdo kulanka Chelsea ka dib markii uu seegay kulankii kooxdiisa ka badisay Newcastle toddobaadkii hore, laakiin daafaca midig ayaa la qiimeyn doonaa xaaladiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka England Danny Rose oo ka dhaaawacan jilibka ayaa weli ka maqan Tottenham,

Halka Erik Lamela iyo Kevin Nkoudou weli ay sii wadan doonaan dhaawaca ay kaga maqan yihiin kooxda Tottenham.

Harry Kane ayaa raadinaya goolkiisii ugu horeeyay Premier League uu ka dhaliyo bisha August, waligiisna bishaan oo kale wax gool ah kama dhalin horyaalka.

Bakayoko ayaa laga yaabaa inuu kulankaan kusoo bilowdo, halka Victor Moses uu ka soo laabtay ganaax, laakiin Gary Cahill iyo Cesc Fabregas ayaa labaduba ganaax ku maqan ka dib markii ay casaan qaateen kulankii Burnley.

Pedro ayaa shaki weyn uu ku jiraa inuu ciyaaro kulankaan, halka Hazard weli dhaawac ku maqan yahay, iyadoo weeraryahanka Diego Costa uusan kujirin safka Bules.

 

XAQOOQADA KULANKA 

Kani wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay Premier League ee lagu ciyaaro Wembley Stadium, waxaana uu noqon doonaa garoonkii 58aad ee kala duwan oo lagu ciyaaro horyaalka Ingiriiska.

Tottenham ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay guul darro kula kulmin garoonkeeda, waana markii ugu horeysay oo ay sidaas sameyso tan iyo 1964-65.

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya labo mid ah 17kii kulan ee ugu dambeyay tartamada oo dhan oo ay la ciyaareen kooxda Tottenham .

Spurs ayaan guul darro kala kulmin kulan horyaalka oo London derby ah inta uu hogaaminayo macalin Pochettino.

Chelsea ayaanan guul darro xiriir ah la kulmin labada kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka cusub tan iyo 1973-74.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Tottenham Hotspur: Lloris, Dier, Alderweireld, Vertonghen; Walker-Peters, Wanyama, Dembele, Davies; Alli, Eriksen; Kane

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Moses, Kante, Luiz, Alonso; Willian, Hazard; Morata

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...