Loading...

LA OGAADEY: Mukhtaar Roobow oo xaaladda ay ku culus tahay iyo Warar leh…

Warar ay si hoose u heshay wakaaladda wararka ee Garqaad.com ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad ugu culus tahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana lasoo sheegayaa in laga yaabo naftiisa halis iney gasho.

Al-shabaab ayaa xubno odoyaal ah u direy Roobow, una sheegay in aanu isku dhiibin dowladda haddii uu dhankooda nabad ka doonayo, islamarkaana uu cadeeyo in dowladda uu ka aaminsa yahay fikirkiisii hore.

Waxay u sheegeen haddii uu intaasi sameeyo in isaga iyo ciidankiisa lagu ammaan gelin doono halka uu joogo haddii aanu taas sameynna lasoo weerarayo.

Dhanka kale, K/galbeed ayaa u sheegtay Roobow in laga doonayo inuu caddeeyo inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore uuna taageersan yahay dowladda.

Hadaba culeysyadan is daba socda ayaa jahwareer ku ridey Roobow, waxaana ay u badan tahay in dhanka dowladda Soomaaliya iska soo dhiibo.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...