Loading...

Macallin Jose Mourinho oo Cristiano Ronaldo ku eedeeyey guuldarradii xalay ka soo gaartay kooxda Real Madrid

Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa guuldarradii ka soo gaartay kooxdiisa xalay naadiga Real Madrid waxa uu ku eedeeyey Cristiano Ronaldo iyo garsoorka ciyaarta.

Real Madrid ayaa xalay 2-1 kaga adkaatay Manchester United, sidaasna ku qaaday UEFA Super Cup, laakiin Jose Mourinho waxa uu aaminsan yahay in Cristiano Ronaldo iyo garsoorkuba ay qeyb weyn ku lahaayeen guuldarradaas soo gaartay Man United.

Ronaldo ayaa kursiga keydka ka soo istaagay markii ay ciyaartu ka harsaneyd 7-daqiiqo oo qura, laakiin Mourinho wuxuu qabaa in garsooraha ciyaarta uuba daqiiqadahaasi yar oo ay kooxdiisa Man United barbaraha raadinaysay uu ku dhammeeyay qaladaad uu u dhigayay CR7.

“Waqti dheeri ah ayaa la aadi lahaa, maxaa yeelay kulanku waxa uu noqon lahaa barbaro 1-1 haddii la heli lahaa muuqaal caawiyaha garsooreyaasha oo fiican, waxaan aaminsanahay inay dhalin kareen goolal ka badan intey dhaliyeen, innaguna waxaan dhalin karnay in ka badan intaan dhalinay.” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka biyo diidsan goolkii garab dhaafka u muuqday (Offside) ee Casemiro.

“Intaa kaddib Cristiano Ronaldo ayaa soo galay ciyaarta, garsoorahana wuxuu doonay inuu xushmad u muujiyo ciyaaryahanka cajiibka ah, markasta oo uu Ronaldo doono garsooraha seeriga ayuu yeerinayay si uu ugu dhigo laad xor ah (Free Kick) kulankana waa la joojinayay, laakiin dagaal fiican ayaan siinay.”

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...
DAAWO: Magaalo P/Land katirsan oo S/Land ku biirtay, Wasiir Xilkiisa Si lama filan ah ku waayay & Qosolkii Cali Xaraare..?
- Sep 18, 2017
Barnaamijka Kaftanka Siyaasadda ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arin xasaasi ah oo dad badan ...
DAAWO: Magacyada Gudiga & Beelaha Xildhibaanada ee loo magacaabay Arrinta Qalbi-dhagax..?
- Sep 18, 2017
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ...
DHAGAYSO: Amarka kasoo Baxay Galmudug ee lagu soo Xirayo Wadaadka lagu magacaabo Cabdi Wali Afyare Cali..?
- Sep 18, 2017
Wararka aan hada heleeno ayaa sheegaya in Wasaarada Amniga ee Maamulka Galmudug amartay in ...
DAAWO Arin Cusub: Xildhibaan Goobjoog ka ahaa Heshiiskii Itoobiya loogu dhiibay Qalbi-dhagax oo Xog cusub bixiyay..?
- Sep 18, 2017
Iyadoo uu weli taagan yahay muranka ka dhashay dhiibida Sargaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse ...
DAAWO: Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Arrin ka nixisay DFS & P/Land & QM oo wax ka og heshiiska S/Land..?
- Sep 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in QM iyo Beesha ...
ARAG: Wiil Garaacid ku dilay Hooyadiis oo 81 jir ah Si uu Xaaskiisa uqanciyo (Subxaanallah)
- Sep 17, 2017
Hooyo Da’ ah ayaa dhimatay kadib markii wiilkeeda uu six un ugaraacay, arintan ayaana ...
DHAGAYSO: Ra’iisal Wasaare Kheyre Afka Furtay: Maanta Dad baa diidan horumarka umadda Soomaaliyeed..?
- Sep 17, 2017
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afka furtay oo ka hadlay markii ...
TOP NEWS:- Xawaalada Jubba oo Wariye caan ah lacag ka dhacday iyo Sababtii ka Dambeysay..?
- Sep 17, 2017
Xawaalada Jubba oo ka mid ah Xawaaladaha ka Hool gala Dalka Gudihiisa iyo Dibada ...