Loading...

Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah (DAAWO)

Madaxweynaha DFS ayaa markii ugu horeysay weerar xoogan dad uu sheegay iney kasoo horjeedaan dowladiisa.
 
Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo caawa khudbad xasaasi ah jeediyay ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii guusha laakiin ay jiraan shaqsiyaad dano gaar ah leh kuwaas oo mucaarad ku ah dowladiisa.
 
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowlada ay ka dhex shaqeysanayaan dad dano gaar ah leh oo uu ku tilmaamay kuwa dowlad diid ah.
 
“Waad ogtihiin in xukuumadan 7da bilood jirta markii ay hal bil jirtay in dalka dibadiisa lagu shiray oo lagu heshiiyay in la mucaarado dowlada oo mooshin laga keeno”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
 

HOOS KA DAAWO HADALKA ADAG EE MD FARMAAJO

 
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxweyne Farmaajo yiri “Mucaaradnimadii weli waa ay socotaa iyadoo aan dhago laheyn, indhana laheyn, waana dhaqan horey ujiray”.
 
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan guux badan oo ah in mooshin laga diyaarinayo xukuumada RW Kheyre.
 
Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ogsoon inuu lumiyay kalsoonida xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo isaga taageersanaa.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...