Loading...

Pogba Oo Fariin U Diray Ciyaartooyda Laga Roonayaasha Ah ( Khaniiska Ah) Ee Ku Sugan Premier League !! Yaa Kamid Ah?

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inuusan la kulmin ciyaaryahan laga roone ah (khaniis ah) oo ka ciyaara Premier League , laakiin uu ciyaaryahan kasta ixtiraam u hayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska oo ka hadlayey ololaha UEFA ee kala duwanaanshaha dhaqanka kubada cagta ayaa waxa uu sheegay inuu xiddig kasta xoriyad gaar ah leeyahay.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Aston Villa Thomas Hitzlsperger ayaa ah ciyaaryahanka keliya ee Premier League ka ciyaaray ee si cad u sheegay inuu yahay laga roone.

Thomas Hitzlsperger ayaa shaaciyay warkaan kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta.

Natiijada sawirka Thomas Hitzlsperger

Markii la weydiiyay hadii horyaalka Ingiriiska ku sugan yihiin ciyaaryahano isku jinsi ah ama laga roone ah, Pogba wuxuu yiri: “Taasi waa wax aanan marnaba arkin sababtoo ah waa wax aan isku mashquulin.

“Waxa ay ku sameynayaan noloshooda gaarka ah ciyaartoyda ma ahan wax quseeya xirfadooda, waa inaan ixtiraam u muujinaa qofkasta, sababtoo ah isagaba wuu ku ixtiraamayaa adiga, waad ixtiraameysaa taas waa taas ayuu yiri Pogba.

24-jirkan ayaa taageere u muujiyay haddii ay jiraan ciyaartooy isku jinsi ah, waxaana uu sheegay in dhamaan la siman yahay haddii garoonka lagu wada jiro.

“Waa wax weyn, Koobka Adduunka, dhamaanteenna waxaan u ciyaareynaa si aan u badino, laakiin mar walba waxaa jiray ixtiraam garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa ah, waxaana rajeyneynaa inaan waxba dhicin.

“Waxaan rajeyneynaa inaysan waxba dhicin, laakiin waan hadli karnaa, waan caawin karnaa, waan ka caawineynaa midabtakoorka iyo sinnaanta garoonka dhexdiisa, dhab ahaantii waxba kama qaban karno, lakiin qof walba waa fariin wanaagsan inuu ka fogaado waxyaabahaas ayuu yiri Pogba.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...