Loading...

PSG oo Twitter-ka uga jeex jeexday Barcelona kaddib guul daradii xalay ee El Clasico

PSG ayaa qori ku sii muday boogtii ay Xalay Real Madrid u yeeshay Barcelona kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 lugtii labaad ee Supercope.

Lugtii hore ee Nou Camp ayaa ku soo idlaatay 3-1 taa oo micnaheedu tahay inay Los Blancos koobka ku qaaday isku cel celis 5-1.

Barca waxaa ka muuqatay tabar dari aan muddooyinkii dambe lagu arag iyadoo muujisay baahida badan ay u qabto Neymar oo ay lacago qaali ah kaga iibisay PSG.

PSG ayaa barteeda Twitter soo dhigtay Sawir Neymar oo qoslaya iyadoo ku diganeysa kooxdii iska soo fasaxday.

View image on Twitter
Sidoo kale waxay soo dhigeen sawir kale oo ay iskula jiraan Dani Alves iyo Neymar.

View image on TwitterView image on Twitter
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...