Loading...

[Topnews:-] Xildhibaan Dhuxulow iyo Gudoomiye Taabit oo rajo ka qabo kursiga Ra’isulwasaaraha “Socdaalkiisa Emirate-ka”

Xildhibaan Mustafe Dhuxuloow oo ka mida seddexda qof ee daaha gadaashiisa ka maamula Xafiiska Ra’isulwasaare Xasan Kheyre ayaa safar degdega ugu baxay dalka Emirate-ka Carabta kadib markii sida la xaqiijiyay uu ku guuleeystay fashilinta Xukumadda Ra’isulwasaare Kheyre.

“Mustafe Dhuxulow oo ah Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Ethiopia wuxuu mudo dheer ka shaqeeynaayey inuu fashiliyo Dowladda Farmaajo,waana ku guuleeystay %90 sidaas darteed hadda wuxuu safar ugu baxay Emirate-ka si uu mashruuciisa guuleeystay uga helo abaalmarin, wuxuu dhawaan Xildhibaanka horkacayaa ololaha xilka qaadista Ra’isulwasaare Kheyre laakiin marnaba isma muujin doono maxaa yeelay wuxuu rajo ka qabaa in isagga loo magacaabo xilka Ra’isulwasaaraha” ayuu yiri Wasiir ka tirsan Xukumadda Somalia oo codsaday inaan magaciisa la xigan.

Mustafe Dhuxulow waxaa hoowlahiisa fashilinta Dowladda Farmaajo gacan ku siiyay Safiirka Ethiopia u soo magacaawday Somalia Amb Jamaaludiin Mustafe oo u dhashay beesha Karinle Hawiye ,ahna ninkii Sirdoonka Ethiopia qaabilsanaay xilligii Cabdullahi Yusuf iyo Ciidanka Melleteriga Ethiopia ka wadeen xasuuqa baahsan Magaaladda Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Mustafe Dhuxulow muddo dheer hoos kala shaqeeynayeen Emirate-ka iyo Ethiopia si loo fashiliyo Dowladda Farmaajo oo la safatay Dowladda Qatar laakiin inta badan hoowlahii loo igmaday waa ku guuleeysteen.

Senator Cumar Cabdirashiid ayaa shaqadda geeystay Cabdullahi Sanbaloolshe,wuxuuna markiiba fuliyay sidii loo nici lahaay Ra’isulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, isagga iyo Mustafe Dhuxulow waxeey xilalkii ka qaadeen dhamaan masuuliyiintii u dhashay Habargidir iyo Abgaal, waa weerareen oo shalay oo ugu dambeeysay wixii dhacay waxaa ka shaqeeyay Sirdoonka Emirate-ka iyo Taliye Sanbaloolshe” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Dhinaca kale , Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mr Taabit Cabdi ayaa damac uga jiraa inuu xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabo marka shaqadda laga eryo Ra’isulwasaare Kheyre bisha September 2017.
Dowladda Farmaajo oo awooddeeda ku kooban tahay Muqdisho degmooyin ka tirsan waxeey lumisay kalsooniddii shacabka ,iyadoo heer kulka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa,ku laran Cadaaladdaradda gaaray heerkii ugu xumaay taariikhda Dowladnimadda Somalia.

Sikastaba ha ahaatee, Xildhibaan Mustafe Dhuxulow oo ah nin aad u afmacaan wuxuu Emirate-ka u joogaa inuu ka qaato lacagtii lagu riddi lahaay Ra’isulwasaare Kheyre oo ay isku juffo hoose yihiin.

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...