Loading...

WAR CUSUB: Cabdullahi Ciilmooge oo London iskugu caleemo saaray Madaxweynaha Jubaland…?

Kooxda Farmaajo ee ku sugan Magaalada London ayaa Caawa kulan ay leeyihiin waxa ay qabanqaabinayaan aruurinta lacago loogu talagalay in lagu Burburiyo Maamulka Jubaland.

ilo xog ogaal ah waxa ay u sheegeen Garqaad.com in lacagtaasi loogu talagalay in Farqa loogu shubo Cabdullahi Ciilmooge Xirsi uu ugu hawl galo sidii carqalad hor leh looga abuuri lahaa Magaalada Kismaayo si loo burburiyo Maamulka Jubaland ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Xafladda Xalay ay qabteen Beesha uu ka dhashay Farmaajo ayaa ahayd mid ay Cabdullahi Ciilmooge ay ugu Caleemo saarayeen inuu yahay Madaxweymaha Jubaland, iyagoo Sawirada Xaflada lagu soo bandhigay lagu qoray in Cabdullahi Ciilmooge inuu yahay Hal door la tijaabiyey oo hufnaan ku Caan baxay erayadaasoo muujinaya in uu yahay nin la adeegsan karo laguna jihayn karo Axmed Madoobe.

Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo degan Dalka Maraykanka ayaa wadahadal ay yeesheen Farmaajo waxa ay isku af garteen in uu qabto Xilka Madaxweynaha Jubaland oo meesha laga Saaro Axmed Madoobe, waxaan ay isku raaceen in Magaalada London uu ka soo qaato Dhaqaale badan oo ay u aruurinayaan Beesha uu ka soo jeedo Farmaajo taasoo ujeedadeedu tahay inaan la dareemin Dawladda FS ay ku lug leedahay Hawsha Ciilmooge.

Xalay ayey Kooxda Farmaajo ee London Xaflad heer sare ah u sameeyeen Cabdullahi Ciilmooge Xirsi, Xafladaasoo uu ka soo qayb galay Cali Xaaji Warsame oo ka mid ahaa Mushariixiintii u tartantay Xilka Madaxweynaha ee uu ku guulaystay Farmaajo sidoo kale waxaa joogay ninka la yiraahdo Awliyo oo ka mid ah Taageerayaasha Farmaajo.

Damac Xumidda Cabdullahi Ciilmooge Xirsi ee uu gadaal ka riixayo Farmaajo ee hadafkeedu yahay Xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqonaysa su’aal kale kadib markii uu Farmaajo heshiis la galay Madaxda Maamul Goboleedyada, hasa yeeshee waxaa lagu tilmaami karaa in Farmaajo uu wado Munaafaqayn ama labo wajiilayn uu uu ku doonayo in uu si hoose u wato Dagaalka ka dhanka ah Madaxda Maamul Goboleedyada.

Sida la xaqiiyey Dhaqaalaha ka imaanaya Kooxda Farmaajo ee ku sugan London haddii ay ku filnaan weyso waxaa uu Farmaajo u balan qaaday Ciilmooge in si hoose ay Dawladda FS ay ugu dhamaystiri doonto wixii kale ee uu u baahdo iyadoo aan la ogaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid aan weli ka tanaasulin in Dagaal Siyaasadeed oo xilka looga qaadayo Madaxda Maamul Goboleedyada isagoo dhinaca kalana heshiis la gaary Madaxdaasi

Halkaan hoose ka daawo Sawiro laga soo qaaday

 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...