Loading...

WAR CUSUB: Gudoomiyihii Gudiga Doorashada DFS & Xubno kale oo Dhuuso-Mareeb lagu xiray (SABABTA)

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey iyo illaa 10 shaqaale ah ayaa ku jira xabsi guri magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galgaduud.
 
Guddiga oo ujeedkiisa ahaa wacyi-gelin la xirirta doorashada ayaa ku sugan magaalooyin ay ka mid yihin Cadaado, Cabdud-waaq, Guri-ceel iyo meelo kale, waxaana la sheegayaa in Xalimo Yarey iyo saraakiil kale loo diiday in ay dib ugu noqdaan Guri-ceel si ay u aadaan Galkacyo kadibna Garoowe.
 
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa sanadki hore shaqadan u diray baarlamaanka Soomaaliya.
Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Loading...