Loading...

WAR DEG DEG AH: Banaanbixii ugu weynaa oo looga soo horjeedo Cadaalad darada iyo Dulmiga ay ku hayaan Farmaajo iyo Kheyre Beesha Habargidir

Magaaladda Muqdisho manta waxaa ka dhacay banaanbax xoogan oo ay dhigeen dad kasoo horjeeda xukunkii dilka ahaa ee ay maxkamada ciidamada ku xakuntay askarigii dilay Wasiirkii Howlaha guud Marxuum Cabaas.

Dadkan oo umuuqday kuwa careysan ayaa banaanbaxa ka dhigay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, waxaana ay ugu dambeyn isugu yimaadeen Isgoyka Tarabuunka ee degmada Hodan.

“Dadkan waa dad kasoo horjeeda xukunka, waana mid cadaalad daro ah oo aanan la qaadan doonin”ayuu yiri mid kamid ah dadkii banaanbaxa ka qeyb galay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dadkan banaanbaxa ay kasoo jeedaan beesha Habar Gidir oo kamid ah beelaha Hawiye, waxaana ay tilmaameen in madaxda dowladda ay cadaalad daro uhorseedeen kiiska askariga.

Ma ahan markii ugu horeeyay oo banaanbaxyo iyo kulamo looga soo horjeedo xukunka ay ka dhacaan Muqdisho, waxaana la sugayaa jawaabta ay dowladu ka bixin doonto.

Halkaan Hoose Ka Daawo

 

 

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...