Loading...

WAR DEG DEG AH: Beesha Habar Gidir oo M/weyne Farmaajo u Dirtay Warqad Labo daran Mid dooro ah.?

Odayaasha Beesha Habar Gidir ayaa warqad u diray Madaxweynaha Soomaaliya taasoo ay ku doonayaan in xukun cadaalad ah la marsiiyo sida ay sheegayaan Dable Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid).

Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) waa askariga loo heysto dilka Wasiirkii Hawlaha Guud, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, waxaana Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku riday xukun Dil ah.

Qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Habar Gidir oo ku kulmay Hotel ku yaala magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay inay Warqad u diraan Madaxweyne Farmaajo, taasoo oo ay ku kala dooran siinayaan in xukunka lagu riday Dable Axmed C/laahi Cabdi la qafiifo iyadoo shareecada islaamka loo eegayo waa sida ay hadalka u dhigeen ama xiriirka ay u jaraan dowlada Federaalka oo ay sidoo kale sheegayaan inay ka tirsanayaan khaladaad badan.

Mid ka mida Odayaasha oo la hadlay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegay in cadaalad uusan aheyn xukunkii lagu riday askarigan wuxuuna sheegay in falkaan uusan aheyn ku tala gal sidaas awgeedna loo baahan yahay in xukunkiisa loo maro shareecada Islaamka, waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hore u sheegay in sharciga lala tiigsanayo gacan ku dhiiglihii dilay Cabaas Siraaji, waxayna u muuqataa in Madaxda dowlada aysan qaadan Karin go’aan ay kaga hor imaanayaan in la dilo askarigaan maadaama shaqsigii uu dilay uu ahaa Wasiir Dhalinyaro ah bulshada ay si weyn u jecleyd, allah u naxariistee.

Halkaan Hoose ka Daawo

Loading...

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Loading...